1 min read

Ciyaaryahan Karim Benzema oo Ku Guuleystay Xiddiga Sannadka Ee Yurub.

Xiddiga kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Karim Benzema ayaa ku guuleystay abaal-marinta xiddiga sannadka ee Yurub kaddib xilli ciyaareed qurux badan oo uu lasoo qaatay kooxdiisa Los Blancos.

Benzema ayaa xilli ciyaareedkii tegay waxa uu kooxdiisa Real Madrid kula guuleystay Champions League, LaLiga, UEFA Super Cup iyo Spanish Super Cup halka uu xulk qaranka Faransiiskana la qaaday UEFA Nations League.

Xiddiga reer France oo sidoo kale ahaa ciyaartoygii ugu goolasha badnaa Champions League xilli ciyaareedkii tegay oo uu ka dhaliyey 15 gool, ayaa waxa uu saddexleeyo ka dhaliyey PSG iyo Chelsea, halka Manchester City uu ka dhaliyey laba gool.

Waxa kale oo lagu dhawaaqay xiddigta sannadka ee Yurub oo ay ku guuleysatay kabtanka Barcelona ee Alexia Putellas oo sannadkii horena ku guuleystay Ballon d’Or.

Alexia Putellas ayaa Barcelona ka caawisay inay timaaddo finalka Champions League ee haweenka ee xilli ciyaareedkii 2021/22 halka sannadkii horena ay ku guuleysteen koobkan iyadoon hal mar laga badinin.