1 min read

Ciidamada Oromada oo sheegay inay dileen boqlaal ka mid ciidamada Itoobiya.

Ciidanka Xoreynta Oromada ee OLA oo ka dagaallanta gudaha Itoobiya ayaa sheegtay ilaa iyo dabayaaqadi bishi June iney dileen boqollaal ka mid ah ciidamada dowladda.

Kooxdu ma aysan soo bandhigin cadeymo ku saabsan sheegashadooda ama ma aysan sheegin tirada dagaalyahanadeeda ee lagu dilay howlgallada militari.

Maamulka ayaa horay u sheegay in lagu guuleystay “howlgal” ka dhan ah OLA iyadoo afhayeenka ra’iisul wasaaraha Billene Seyoum uu sheegay in saddex saldhig oo taliska laga sameeyay gobolka sidoo kalena ciidamada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada si wadajir ah loo geeyay howlgalka.

Dabayaaqadii bishii Juun iyo horraantii Luulyo laba weerar oo kala duwan oo ay rag hubaysan ku qaadeen tuulooyin beeralay ah oo ay deggan yihiin qowmiyadaha laga tirada badan yahay ayaa sababay dhimashada boqolaal rayid ah.

OLA ayaa lagu eedeeyay weerarrada ay geysteen dowladda iyo kuwa ka badbaaday. Waxay beenisay eedeymahaas, waxayna farta ku fiiqday kooxo maleeshiyo ah oo ay samaysteen gobolka Oromada.