1 min read

Al-Shabaab oo lix qof ku dishay deegaanka Kunya-Barrow.

Sida laga soo xigtay warbaahinta kooxda Al-Shabaab, lix qof oo ay ku eedeeyeen inay u shaqeynayeen sirdoonnada Soomaaliya iyo Maraykanka ayay meel fagaare ah ku toogteen shalay galinkii dambe, deegaanka Kunya-Barrow oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose ee Koonfurta Soomaaliya.

Dacwad qaade ka tirsan Al-Shabaab ayaa sheegay in ragga la toogtay dhammaantood ay ku lug lahaayeen hawllo sirdoon oo horseeday, weerarro xagga cirka ah oo lagu qaaday saraakiil ka tirsan Al-Shabbaab.

Al-Shabaab ayaa sidan oo kale marrar badan meel fagaare ah ku toogatay, dad badan oo ay ku eedeeyeen inay la shaqaynayeen, sirdoonno ay ku sheegeen kuwa dawladda, iyo kuwo dallal kale.