1 min read

DFS oo sheegtay in la soo afjaray weerarkii Al-Shabaab ee Xayat Hotel.

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in Ciidamada ammaanka Soomaaliya ay ku guuleysteen in ay soo afjaraan dagaalka in ka badan 30ka saac ka socday dhismaha Hoteel Xayaat kaddib markii Dagaalamayaal katirsan Al-Shabaab ay dhismahaas galeen 19kii August 2022.

Sarkaal katirsan Dowladda Federaalka oo ka gaabsaday Magaciisa ayaa Wakaaladda Wararka AFP u sheegay in dagaalkaas lasoo afjaray kaddib markii la toogtay dagaalamayaasha Shabaab ee dhismaha ku jiray.

Waxa uu khasaaraha ku sheegay in ay dhinteen in ka badan 10 ruux halka dhaawaca uu intaas ka badan yahay, waxaana lasoo badbaadiyay toboneeyo kale oo ku xayirnaa dhismaha Hoteelka Xayaat ee Magaalada Muqdisho.

“Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka waxa ay soo afjareen weerarka, raggii hubaysnaana waa ay dhinteen, ma jirto wax rasaas ah oo ka dhacday dhismaha saacadihii la soo dhaafay” Sidaasi waxaa AFP u sheegay Sarkaal katirsan Ciidanka DFS oo magaciisa aan sheegin.

Sarkaal kale oo Magaciisa kusoo koobay Maxamed oo la hadlay Wakaaladda Wararka Reuters ayaa sheegay in dhimashada inta la xaqiijiyay in ay gaartay 12 ruux oo u badan Shacab, waxa uu intaas ku daray in howlgalka lasoo afjaray.

“Ilaa hadda waxa aan xaqiijinnay 12 qof oo rayid u badan in ay dhinteen, Dad kale ayaa ku dhaawacmay weerarka, waxaana lagu guuleystay in lasoo afjaro dhammaan Maleeshiyaadkii dhismaha Hoteelka gabbaadsanayay” ayuu yiri sarkaalkaan Magaciisa kusoo koobay Maxamed.

Dadka ku dhintay & kuwa ku dhaawacmay weerarkii billawday Fiidkii Jimcaha weli tiro rasmi ah lagama soo gudbin balse waxaa jira nambaro kala duwan oo Warbaahinta Gudaha & Dibadda ay tebisay iyaga oo soo xiganaya ilo u xog-warramay.

Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhintay dagaalka ku billawday Qaraxyada ee Al-Shabaab ku qaaday Hoteelka Xayaat ee Magaalada Muqdisho, Dhimashada ayaa intaas ka badan karta maadaama aanay weli tira-koob rasmi ah lasoo saarin.

.