1 min read

Dalacsii Dambiilaha weyn!!!.

Qoraagii weynaa ee Giriiga Mr. Aesop ( 620-564 BC) oo Noolaa 2500 Sano ka hor, yaa yiri: ( We hang the petty Thieves and appoint the great ones to public office ). Taa oo macnaheedu yahay: ( Tuugada yar yar waan daldalnaa, kuwa waaweynna waxaan u dhiibnaa Xafiisyada Qaranka). ( F. G: 1aad).

Iyada oo taa la tixraacayo

Dastuurka waxaa lagu soo kordhiyay qadob cusub oo tirsigiisu yahay. Qodobka 1298, Xarafaha XY & TW, oo leh, Qof kasta oo Dambi yar galo waa in Ciqaab la marsiiyo. Qof kasta oo Dambi weyn oo heer Qaran ah galo, Dad dilo, Hanti badan qaranka ka dhaco, ku Xad gudbo Shuruucda Dalka, waa in la dalacsiiyo loona magacaabo Xil Qaran.

Si aan Sharcigu kuu Qaban, Dambi haddii aad galee mid weyn gal.( ilama saxno qodobkaasi)

Qore: Yahya Amir