2 mins read

QM, Midowga Afrika, ATMIS, Mareykanka, Turkiga, UK & Norway oo cambaareeyay weerarka Al-Shabaab ku qaaday Xayat Hotel.

Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Howlgalka ATMIS, Dowladaha Mareykanka, Turkiga, Ingiriiska & Norway ayaa cambaareeyay weerarkii is qarxinta ku billawday ee Al-Shabaab ku qaaday Hoteelka Xayaat ee Magaalada Muqdisho Fiidkii Jimcaha 19kii August 2022 kaas oo soo gaaray Fiidkii Sabtida 20ka August 2022.

Dhinacyadaan ayaa cambaareeyay iyaga oo sheegay in ay ka xun yihiin khasaaraha ka dhashay sida lagu sheegay qoraallo kala duwan oo dhinac weliba mar uu soo dhigay barta Twitter-ka uu ku leeyahay.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa wax laga naxo ku tilmaamay weerarkaas socday in ka badan 30ka saac, waxa uu sheegay in uu murugada la qabysanayo ehelka Dadkooda dhibaatadu ku gaartay weerarkaas.

Waxa uu sheegay in Qaramada Midoobay ay garab ku siineyso Dowladda Federaalka & Shacabka Soomaaliyeed la dagaalanka Al-Shabaab si looga hortago weerarada ay ka geysanayaan goobaha kala duwan.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay waxa uu si xooggan u cambaareynayaa weerarka Argagixiso ee ka dhacay Xayat Hotel ee Magaalada Muqdisho kaas oo billawday 19ka August, waxa aan murugada la qaybsanayaa qoysaska dhibbanayaasha & Dowladda Federaalka, Qaramada Midoobay way garab taagan tahay, Dadka dhaawacmay caafimaad degdeg ah ayaan u rajeynaa” Sidaasi waxaa yiri ku xigeenka Afhayeenka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Farxaan Xaq.

Ururka Midowga Afrika oo Soomaaliya ay ka joogaan Askar ku howlgasha Magaca ATMIS soo kabasho degdeg ah u rajeeyay bukaannada dhaawacyada kala duwan kasoo gaaray weerarka qaraxa ku billawday ee Al-Shabaab ku beegsatay Hoteelka Xayaat.

Howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS waxa uu cambaareynayaa weerarka Al-Shabaab ay ku qaaday Xayat Hotel, Ciidamada Federaalka waxa aan rajeyneynaa in ay sii wadaan dagaalka ka dhanka ah Argagixisada si loo laab qaboojiyo ehelka Dadkoodu dhibaatadu ay gaarsiiyyeen” ayaa lagu yiri qoraalka ATMIS.

Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa dhankeeda qoraal ay soosaartay waxa ay uga falcelisay weerarka Al-Shabaab ay ka geysatay Caasimadda Dalka, “Mareykanka waxa uu si xooggan u cambaareynayaa weerarka Argagixiso ee ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xayat Hotel, Bukaannada dhaawacmay waxa aan u rajeyneenaa caafimaad taam ah, murada waxa aan la qaybsaneynaa Dadka ehelkooda ku dhintay weerarkaas ,waxa aan garab taaganahay Soomaliya” ayaa lagu yiri qoraalka Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho.

Dowladaha Ingiriiska, Turkiga & Norway ayaa sidaas oo kale u cambaareeyay weerarka ka dhacay Magaalada Muqdisho ee sababay dhimashada toboneeyo ruux halka ay ku dhaawacmen toboneeyo kale.

Dowaldda Federaalka weli kuma dhawaaqin in ay soo afjartay weerarka Al-Shabaab ku qaaday Hoteelka Xayaat ee Magaalada Muqdisho marka laga tago saraakiil aan heysan fasax oo la hadlay Wakaaladaha Wararka AFP & Reuters oo xaqiijiyay in lasoo afjaray.

Tiro sugan Dowladda Federaalka kama soo gudbin khasaaraha dhimasho, dhaawaca & Burburka dhismaha goobta uu weerarka ka dhacay & meelaha kale ee ku dhaw oo rasaas xooggan iyo qaraxyo ay ku dhacayeen in ka badan 30 saac.