1 min read

Muddo xileedka Madaxweynaha Jubbaland oo sannad lagu kordhiyay.

Golaha wakiilada maamulka Jubbaland ayaa maanta kulan ay yeesheen waxa ay muddo xilleedka madaxweynaha oo ahaa afar sanno ku badeleen shan sano iyaga oo sidoo kale wax ka badelay dastuurka Jubbaland, sida ay baahisay warbaahinta maamulkaas.

Xildhibaanada ayaa dood dheer kadib ansixiyey in la badalo muddo xileedka xukuumadda iyo baarlamaanka Jubbaland oo markii hore ahayd 4 sanno laga dhigo 5 sanno.

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Jubbaland Cabdi Maxamed Cabdiraxaam ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay natiijada kulanka