1 min read

Dagaalka Al-Shabaab ee Hotel Xayaat oo weli sii socda.

Waxaa weli rasaas laga maqlaya gudaha Hotel Xayaat oo ku yaala isgoyska KM4 ee magaaladda Muqdisho, kaasi oo xalay ilaa haatan ay ka dhex dagaalamayaan dagaalameyaal ka tirsan Alshabaab.

Ciidamada gaashaan oo xalay howlgalka wadday laga saaray hotelka, iyadoona ay dib ula wareegeen ciidamada booliska ee sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in weli xaaladdu ay cakiran tahay, iyadoona weli aan lagu guuleysan in la soo afjaro howlgal qaatay in ka badan 15 saacadood.

Dowladda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin khasaaraha ka dhashay weerarka ka socda hotel Xayaat ee magaalada Muqdisho.