1 min read

Turkiga oo si adag u cambaareysay Weerarka Al-shabaab ku qaadeen Hoteel Xayaat.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa lagu cambaareeyay qaraxyada iyo weerarka tooska ee lagu qaaday Hotelka Xayaat ee magaalada Muqdisho.

“Waxaan si adag u cambaareyneynaa weerarradan argagaxisada ah, waxaana Allaah u rajeyneynaa in uu naxariistii jano ka waraabiyo intii ku geeriyootay, waxaana tacsi u direynaa ehelada iyo qaraabada iyo sidoo kale dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee saaxiibada iyo walaalaha ah, waxaana u rajaynaynaa caafimaad deg deg ah dadkii ku dhaaqacmay” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka.