1 min read

Ma Hotekaa la duminayay mise?.

Hotel Xayaat waxaa Dagaal ka dhax socday in ku dhaw 24 saac, Dad ayaa ku xayirnaa Hotelka dhaxdiisa iyo Deegaanada u dhaw.Waxa eyna sugayeen in la soo badbaadiyo.

Kuwa Hotelka soo weeraray waxa ey wateen ugu badnaan Hubka fudud iyo F1.
Haddii Adiga oo Gudaha ku jiro Qolkaaga, Hub aad u culus Dibadda looga soo rido, oo kuwii ku badbaadinayay ey kugu dumiyaan Qolka. Kadibna aad dareentid in Hotelka aad ku dhax jirto la burburinaayo si Adiga laguu Badbaadiyo, kadibna Adigii iyo Hoteelkiiba aad wada qarxadiin.
Waxaad is leedahay, ma Hotelkaa la burburinayay si Adiga la ii badbaadiyo?. mise Adiga iyo Hotelkaba in leydin wada qarxiyo ayuu qorshuhu ahaa?.( F.S: 1-6aad)

Hotelka iyo Dadka midkood waa la badbaadi karay. Sheekadu waa sida Ridii, weelka, Madaxa la gashay ee Caaqilkii yiri: Rida hala qalo, kadibna Dhariga hala jabiyo. Kadibna yiri: Caqligeyga wanaagsan haddaan la dhinto yaa Gadaashey Cidda hogaami doono. Ama waa sida Sarkaalkii yiri: Haddii Hotelkii iyo Dadkii qaar ayna Badbaadin, yaa gadaasheey Ciidamada Hogaami doono.( F.S: 7aad)

Shaki badan ayaa ku gadaaman habaka loo isticmaalay Howlgalkii Hotel Xayaat. ma Aqoon daraa? ma itaal daraa? Ma Hagaraa? Ma qorshe siyaasadeed Dadka iyo Ciidanka la isaga horkeenayaa?.

Shacabka Shakiyaa galee, ha laga shaafiyo.

intii ku dhimatay Alla ha u dambi dhaafo, intii ku dhaawacan tayna Alla ha caafiyo.

Qore: Yahya Amir