1 min read

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen Hotelka Xayaat.

War qoraal ah oo ka soo baxay taliska Nabad sugida gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka ay ka hortageen weerar ay koox hubeysan ku qaadeen hotelka Xayaat ee Magaalada Muqdisho.

“Ciidmada Amniga ayaa ka hortagay weerar ay Argagaxisada Al Shabaab ku soo qaadeen Hotel Hayat oo ay lee yihiin dad shacabka.”ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale qoraalka ayaa waxaa intaasi lagu yiri “Argagaxisada ayaa bartilmaameedkooda ahaa daadinta dhiigga dad shacab ah oo aan waxba galabsan iyagoo gudaha u galay goobtii ay weerareen, balse ciidamada Amniga gaar ahaan kuwa NISA ayaa ka hortagay”.

Waxaa kale qoraalka lagu sheegay in Ciidamada ammaanka ay soo badbaadiyeen dad shacab ah oo ku jiray hotelka.