3 mins read

Nasashada Jimcaha Q-318 =Syaasiyiintu waxay ugu Been badan yihiin marka ay Musharaxiinta yihiin=

  1. Ma xasuusataa Gabar aad isku Fasal aheydeen oo Maariin Caato ah aheyd. Muddo kadib markii aad aragtayna aad Aqoonsan weyday. waxa ey noqotay Gabar Cad oo Buuran.( F.S: 1 & 2aad)

( Mid ma ka xasuusataa?)

  1. Nin ayaa yiri: Xaaskeygu waxa ey ugu been badan tahay Marka ey Uurka leedahay. waxa ey igu tiraa Sweetheart: Cunuga Uurka ku jiro waxa uu leeyahay waxaan Rabaa, Chicken, Pizza, Dheylo iyo Cocktail.( F.S:3aad)

( Syaasiyiintuna waxa ey ugu Been badan yihiin marka ey Musharaxiinta yihiin)

  1. Heyadda Mucaawinada Bixiso ee Sucuudiga ( Hayatul igaatha) ayaa Carab ka socdo waxa uu kormeer ku aaday Gobaladda Somaliya. waxaa sii Racay Nin Somali ah oo Adeerkii Hayadda uu ugu shaqaaleeyay Mutarjum ahaan. Markii Jowhar la marayay ayaa Carabkii yiri: “Ayi qabiiltun taskunu hunaa”. Qabiilkee inta dagan. Tarjubaankii ayaa yiri: Qabiilatu Abul kufaar, Carabkii ayaa yiri: Acuudu Bilaahi. markii Buula Burde la marayo ayuu Haddana weydiiyay. Tarjubaankii ayaa yiri: “Qabiilatu Fii Lalaalin Mubiinin”. Markii Baladweyne la marayo ayuu Haddana weeydiiyay. Tarjubaankii ayaa yiri: “Qabiilatu Xubul kufaar”. Carabkii oo yaaban ayaa yiri: horena yaa naga sii xigo. Tarjubaankii ayaa yiri: “Qabiilato Fuquraa wa Akhuuhum Baqaratul Abyal”.

( Ma fahamtay,Turjubaankan shaqada lagu keenay qaraabanimadu, Qabiiladda uu magacooda si khaldan u tarjumay?)

4.Gabar Qurbaha ka timid ayaa tiri: ( I need a man that will make me feel like a woman). koo Luqadda Ingriiska ku bartay Waberi Private School ayaa yiri: ( are you feeling now like a goat?).

( war Dadka isguulada private- ka ah furtayoow Ardayda si fiican u bara Luqadaha sida: Idiomatic expressions and Translations)

  1. Australia ayaa waxaa la keenay Sharci ah, Ardaygii Xisadda ka soo daaho lagu khasbayo in uu Cuno hal Xabbo oo Rooti weyn ah, Biyo la’aan. Arday soo daaho ayaa la waayay.( F.S: 4aad)

waxaa la yiri: Fikradaan waa lagu guuleeystay ee Afrika ha lagu tijaabiyo. Waana lagu tijaabiyay, kadibna, dhamaan Ardaydii iyo Macalimiintii waa soo wada daaheen.

( wixii aad ku soo aragto Qurbaha oo dhan, ha ku fikirin in aad Somaliya ka hir galiso)

  1. Nin iyo Naag ayaa Markii ey isguursanayeen, waxa ey ku heshiiyeen in ey soo iibsadaan Laba Sanduuq oo faaruq ah. Labadoodana Qofkii khayaano yar ku sameeyo Qofka kale in uu 5 Xabo oo Bariis ah uu ku rido Sanduuqiisa.
    Toban Sano kadib ayaa la casuumay 20 Saaxiibadood iyo Qaraabada ah. Qadadii Kadib ayaa la furay Labadii Sanduuq. kii Ninka ayaa la furay waxaa laga helay Nus kiilo Bariis ah, bacdamaa mar kasta oo uu Xaaskiisa khiyaano uu ku ridi jiray 5 xabo oo Bariis ah. kadibna waxaa la furay kii Xaaska, Hal xabo oo Bariis ah kuma jirin.
    waxaa lala yaabay Dacadnimada Xaaska. Ninkii ayaa ku yiri: 10 Sanno Dambi la’aan ma aheyne sideey ku dhacday?. waxa ey ku tiri: Xabiibi, Bariiska Qadada ahaa ee Martida loo kariyay xagee laga keenay.( F.S: 5 & 6aad)

( Wasiir iyo wasiir ku xigeen ayaa ku heshiiya in eyna waxba xadin. Markii xilkii laga qaaday ayaa wasiir ku xigeenkii waxa uu ugu tagay Wasiirkii oo weli degan Hoteelkii uu deganaa intaan Xilka loo dhiibin. wasiir ku xigeenkii ayaa yiri: Anigu kiradii ayaan ka baxay oo Hal Guri ayaan dhistay, Adiguna weli Hotelkii hore ayaad degan tahay. wasiirkii ayaa yiri: fur Daaqadda Qolka, hore Fiiri: in kasta oo aan weli Hotelkii deganahay, Xaafadda Hortaada ka muuqato oo dhan Anigaa iibsaday, Guryo kalena Dibadda ayaan ku leeyahay…. Shacaboow, ma noolin )

Qore: Yahya Amir