1 min read

Abwaan Hadraawi oo maanta lagu aasayo Magaalada Hargeysa.

Allaha u naxariiste, waxaa maanta lagu wadaa salada casir ka dib in qabuuro ku yaall magaalada Hargeysa lagu aaso Abwaankii waynaa ee Soomaaliyeed, Maxamed Ibraahim Hadraawi.

Guddiga qaban qaabada Aaska oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland ayaa sheegay in aas qaran oo ay ka soo qeyb galaan dhammaan Madaxda iyo Bulshada loo sameyn doono Abwaan Hadraawi.

Allaha u naxariitee Abwaa Hadraawi, waxaa uu caan ku ahaa curintiisa ay ku dheehneyd hal abuurka suuganta Nuucyadeeda kala duwan sida Gabayada iyo Heesaha.