1 min read

Qorshaha Wakhtiga Fog.

Muddo dheer Somalidu waxa ey ku doodeysay in Dhul ey Ethiopia ka eeysato. Haddaba si mustaqbalka fog eyna somalidu u sheegan Dhul dambe, waxaa la qorsheeyay in Dhulka laga sal guuriyo.


Dhul aan dadi jooginna lama sheega karo.

Hore Diridhabe iyo Harar ayaa waxaa la wareegay Oromo, waxa la qorsheeyay in DDS lagu soo fatahiyo Qabaa’il aan somali aheyn, laguna soo koobo Somalida Jigjiga, lana baabiyo jabhadihii Gobanima doonka. Dhalinyaradii Somalidana laga dhigo Liu Police, eyna dagaal ku qaadaan Qabiilka Somalida ee Xuduuda degan, si loo abuuro is naceyb iyo in aan la isku soo gurman haddii Ethiopia soo weerarto oo ey dhaxdooda isku mashquulaan.
in la jaro lana dhimo Biyaha Labada wabi, si Somlidu eyna u yeelan awood dhaqaale. dhinaca kale Gobalka Sitti in laga bara kiciyo Somlida laguna bedelo Cafarta.
mustaqbalka in Ethiopia laga waayo dhul somalida u gaar ah ama dheegaan ey ku badan yihiin.intooda badanna loo soo qixiyo dhinaca JFS.

iska sug Adaa yaabi doonee

Qore: Yahya Amir