1 min read

Dowladda Soomaaliya oo ka tacsiyeysay dhimasho ka dhacday kaniisad ku taalla Masar.

Wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda federaalka Soomaaliyda, ayaa soo saartay qoraal, ay uga tacsiyeynayso dowladda Masar, dhimasho ka dhacday kaniisad ku taalla Masar, oo uu dab qabsadey shalay.

Ugu yaraan 41 qof, ayaa ku dhintay dabka ka kacay kaniisad ku taalla magaalada Giza ee dalka Masar.

Dabkan ayaa xiray halka laga soo galo kaniisadda, isagoo sababay is buurasho, sida laga soo xigtay ilo xog ogaal ah.

Waxay wararku intaa ku darayaan in inta badan dadka ku dhintay ay carruur ahaayeen. Dhowr qof oo kale, ayaa ku dhintay dabkaas.

Waaxaha dab damiska, ayaa sheegay in dabka haatan la damiyay. Lama oga weli waxa dhabta ah ee sababay dabkaas.

‏تُعربُ وزارة الشؤون الخارجيّة والتعاون الدولي بجمهورية ‎#الصومال الفيدرالية، عن خالص التعازي وصادق المواساة إلى الأشقاء في جُمهُوريَّة ‎#مصر العربيَّة، جرّاء حادث الحريق الأليم الذي وقعَ صباح اليوم الأحد المُوافق ١٤ أغسطس/آب ، في ‎#كنيسةأبوسيفين بمنطقة ‎#إمبابة، في محافظة ‎#الجيزة. https://t.co/f0EA0WskRB‎