1 min read

Wasiirka Gaashaandhiga “Dowladda waxay awoodda saari doontaa Xorreynta deegaanada ay ku sugan yihiin Al-Shabaab…”

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga, Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa maanta Guddoomiyay kulan looga hadlay dardar gelinta dagaalka ka dhan ah Al-shabaab.

Kulanka oo ay ka qeyb galeen Saraakiisha Ciidanka Xoogga iyo Madaxda wasaaradda Gaashaandhiga ayaa waxaa la isaga warbixiyay howlgaladii u dambeeyay ee ka dhacay Gobolada dalka.

“Dowladda waxaa ay awoodda ay saari doonto Xorreynta deegaanada ay ku sugan yihiin dagaalameyaasha Al-shabaab” ayaa lagu yiri Qoraal kooban oo lagu daabacay Warbaahinta Dowladda kulanka ka dib.