1 min read

DF Soomaaliya oo amartay in la joojiyo dhismaha dhulka u dhaw Garoonka Aadan Cadde.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista hawada XFS, Fardowsa Osman Cigaal amartay in aan dhisme laga dhisi karin gudaha iyo bannaanka Garoonka Caalamiga ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka ayaa la sheegay in ay dhisida goobaha u dhaw garoonka ay keeni karto amni darro, isla markaasna laga fogaado halka ay ka duulaan kana dagaan diyaaradaha.

Sidoo kale, wareegtada ayaa sheegay in tillaadaan loo qaaday si Garoonka Aadan Cadde dhismahiisa loo waafajiyo hannaanka Garoomada Caalamiga oo inta badan ka fog goobaha ay dadku deegaan sadaan.

Hoos ka akhriso Qoraalka Amarka: