1 min read

Dab ka kacay magaalada Jigjiga oo ay dad ku dhinteen.

Dab ka kacay magaalada Jigjiga ayaa la sheegay iney ku dhinteen 4 carruur oo hal qoys ah.

Dabka oo ka kacay xaafad kamid ah magaalada Jigjiga, ayaa ka kacay xaflad aroos oo xalay halkaasi ka dhaceysay.

Sida uu ku soo waramaya wariyaheenna magaalada Jigjiga, afarta carruurta ee dabkaasi ku dhimatay, ayaa kala ah 3 carruur oo ay caruuska walaala yihiin, iyo midna uu caruuska laftiisa uu dhalay.

Dabka ayaa sidoo kale wuxuu geystay qasaaro hantiyeed, walow la xakameeyey oo uusan fidin.

Sidoo kale, dabka ayaa waxaa ku dhaawacmay shan qof oo kale.