1 min read

Guddiga doorashooyinka Kenya oo dedejinaya natiijada.

Guddiga doorashooyinka Kenya ayaa xaddiiday gelitaanka xarunta ay ka socoto tirinta codadka si loo dedejiyo hannaanka xaqiijinta natiijada madaxtinnimada.

Qof aan ahayn wakiilka xisbiyada, korjoogtada doorashada amaba qeyb ka mid ah warbaahinta ayaa lagu amray inay isaga baxaan halkaas.

Xaqiijinta natiijooyinka ayaa la joojiyay dhowr jeer kaddib markii ay cabasho ka timid taageerayaasha musharraxiinta ugu waaweyn.

Natiijooyinka la xaqiijiyay ayaa muujinaya in raysal wasaarihii hore ee dalka Raila Odinga uu wax yar ka horreeyo madaxweyne ku xigeenka William Ruto.

Iyadoo 93 ka mid ah 292 codadka deegaannada ee la tiriyay, wuxuu 52% uga horreeyaa Ruto oo 47% heysta.