1 min read

Madaxweyne Muuse Biixi oo kulan la qaatay Wafdi ka socda Maraykanka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax banaanida ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxa uu qaabiley wafdi balaaran oo ka socda dalka Maraykanka.

Muuse Biixi, ayaa wafdiga uga warbixiyay xaaladda guud ee Somaliland, iyadoo sidoo kale diiradda lagu saarey xiriirka ka dhaxeeya Somaliland iyo Mareykanka.

Lama oga wafdiga iyo Madaxweyne Muuse Biixi waxyaabaha ay ka wada hadleen iney kamid yihiin shaqaaqadii u danbeysay ee ka dhacday Somaliland.

Waxaa ka taagan Somaliland is mari waa la xiriira dhanka doorashada madaxtinimada.

Maalmo kahor, ayey aheyd markii ay isku dhaceen ciidanka booliiska, iyo taageerayaasha ururada mucaaradka, taasoo ay ka dhalatey dhaawac iyo dhimasho.

Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa uga mahadnaqay xubnaha wafdiga safarka shaqo ee ay ku yimaadeen Somaliland.

Wafdigan ayaa isugu jira diblamaasiyiin, saraakiil ciidan iyo Akaadamiga Heritage Foundation, oo safar shaqo maalmihii u danbeeyey ku joogay Somaliland.

Xigasho: Xafiiska Madaxweynaha Somaliland