3 mins read

Siyaarada uu Sadaam Xuseen mamnuucay ee hadda caadada ka noqotay Ciraaq.

Malaayiin Muslimiinta shiicada ah oo caalamka ka kala yimid ayaa ku qulqulaya magaalada ay barakeystaan ee Karbala ee dalka Ciraaq, oo toddobaadkan ay ka billaabmi doonto munaasabadaha diinigi ah ee loo yaqaanoo Arbaciin iyo Ziaara.

Waxay munaasabadahaasi ay Shiicadu ku xusaan laba imaam oo ay sheegtaan oo kala Imaam Xuseen oo ah wiil uu awoow u ahaa rasuulkeenna (s.c.w) iyo Imaam Cabbaas oo ay xagga aabbo walaalo ka yihiin.

Ziyaaradan waxaa sannad walba ka qayb gala 10 illaa 20 milyan oo qof, waxayna soconeysaa illaa 30-ka bishan Okotobar.

Marka la barbar dhigo gudashada xajka oo sannad walba ka dhaca magaalada barakeysan ee Makah ee sacuudi Carabiya, wuxuu waajib ku yahay qof kasta oo Muslim ah in hal mar oo noloshiisa ka mid ah uu guto. Waxaana daafaha caalamka ka kala yimaada illaa 2.4 milyan oo qof oo Muslimiin ah.

Haddaba Shiicada ka qayb qaadanaysa siyaarada sannadlaha ah ee Karbala waxay lug kaga yimaaddaan waddamada qeybo ka mid ah dalka Ciraaq, Iraan iyo waddamo kale. Qaarkoodna waxayba ka soo lugeeyaan dalal halkaa ka fog sida Azerbaijan, Georgia iyo Pakistan.

SAM PANTHAKY
Qoraalka sawirka,Masaajid ay shiicadu leedahay

Muslimiinta Shiicada ee u lugeynaya munaasabaddaas, inta ay safarka ku jiraan waxaa waddooyinka looga diyaariyey arrima badan oo looga samafalayo iyo masaajid, dad badan oo tabarrucayaal ahna waxay siiyaan cunno ay iyagu iskood u diyaariyeen oo ay ka mid yihiin Kalluun la dubay iyo Bariis.

Waxayna dadkaasi xusaan Imaam Xuseen oo ay u garanayaan Abaciin oo ay ku xusaan geerida xuseen ee qarniga toddobaad oo xoogaggii Umawiyiinta ay ku dileen Karbala xilli uu dagaal socday.

Taageerayaasha Xuseen waxay aaminsanayeen inuu xaq u leeyahay dhaxalka Rasuulka (s.c.w).

Sida ku xusan taariikhda, markii uu diiday inuu beyca (heshiis) la galo Khaliifadii Umawiyiinta, wuxuu ku dhintay dagaal u dhexeeyay taageerayaashiisii iyo ciidammadaas. Wuxuu hardankaas dhexmaray Musliniinta Sunniga ah iyo Shiicada.

Muslimiinta Sunniga iyo Shiicada caalamka ku nool ayaa tiradooda lagu qiyaasaa 1.5 bilyan. Sunniga ayaana ka badan Shiicada.

Madaxweynihii hore ee Ciraaq, Sadaam Xuseen muddadii uu dalkaas ka arriminayay, xuska Karbala wuxuu ahaa mamnuuc.

Xayiraaddaas waxay billaabatay markii uu socday dagaalkii u dhexeeyay Ciraaq iyo Iraan ee 1980-yadii. Waxaana mamnuuciddaas si rasmi ah loo qaaday 2003-dii, markii xukunka laga tuuray sadaam Xuseen.

Markii la dhisay xukumaddii ka dambeysay Madaxweyne sadaam Xuseen, dalka Ciraaq wuxuu yeeshay ra’isal wasaarihi ugu horreeyey ee Shiica ah, wixii markaa ka dambeeyey munaasabaddu waxay noqotay mid sanad walba la xuso isla-markaana indhaha caalamka oo dhan soo jiidata.

Kumannaan ka mid ah ciidamada ciraaq iyo ciidamo sida gaarka ah u tababaran ayaa laga howl geliyey goobaha ay munaasabaduhu ka dhacayaan, si ay u sugaan amniga dadka shiicada ee xuskaas isugu imanaya.

Muslimiin shiica ah oo Karbala u lugeynaya
Qoraalka sawirka,Muslimiin shiica ah oo Karbala u lugeynaya

Wakaaladda wararka ee Iraan ee FARSs oo soo xigatay Mas’uul ka tirsan qeybta arrimaha diinta ee Iraan, Xuseen Zulfighari, waxay sheegtay in 1.7 milyan oo Iiraaniyiin ah oo munaasabadda sannadkan ka qayb galaya iyo 50,000 oo Shiicada Afqaanistaan ee ku nool Iraan-na ay u gudbeen dhanka Ciraaq.

Dad badan oo Shiico ah oo ay sameeyeen shuruudaha adag ee gudashada Xajka Makah iyo kuwa badan oo aan awoodin kharashka badan ee ku baxaya ayaa ka qayb gala munaasabadda Siyaarada ee Karbala iyaga oo aaminsan in la mid taat xajka.

Muslimiinta badan oo aan awoodin iney xajiyaan oo aan heli karin Fiisaha dal ku galka Sacuudiga ayaa munaasabadahan u arka fursad fiican oo ay kaga kaaftoomi karaan.

Xigasho:BBCSomali