1 min read

Madaxweynayaasha K/ Galbeed iyo D/deegaanka oo ka shiray dagaalka Al-Shabaab.

Madaxweyneyaasha Maamulada Koofur Galbeed iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Jigjiga, iyaga oo ka wada hadlay dagaalka ka dhanka Al-shabaab.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyadda Dowlad Deegaanka ayaa waxaa lagu sheegay in labada Madaxweyne ay iska xog wareysteen weeraradii u dambeeyay ee Al-shabaab ku qaadeen deegaannada Xuduudka.

Sidoo kale, labada mas’uul ayaa isku afgartay sidii loo bilaabi lahaa howlgalo Wadajir ah oo ka dhan ah Al-shabaab, si loo xoojiyo iskaashiga maamul ee ka dhaxeeya labada dowladood ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa maalmahan ku sugnaa dalka Itoobiya, isaga oo kulamo la qaatay mas’uuliyiinta dalkaasi.