1 min read

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi uu hogaaminaayo oo gaaray Kampala.

KAMPALA — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hggaaminayo oo booqasho rasmi ah ay uga bilaabatay dalka Uganda gaaray magaalada Kampala ee caasumadda dalkaas.



Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha calaamiga ah ee Entebbe uu ku soo dhaweeyey Wasiirka Arrimaha Dibadda Uganda Odongo Jeje Abubakhar.

War-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxweynaha uu martiqaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalka Uganda Yoweri Museveni.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo booqashadiisa Uganda ay qaadaneyso saddex maalmood, ayaa wada-hadallo ku qotoma xoojinta iyo horumarinta xiriirka labada dowladood iyo sare u qaadidda iskaashiga la qaadan doona dhiggiisa dalkaas Mudane Yoweri Museveni,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Villa Somalia.

“Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Uganda waxa uu ka qeyb geli doonaa madasha dhaqaalaha Soomaaliya iyo Uganda oo dalkaas ka furmi doonta, iyadoo ganacsatada iyo khubarada dhaqaale ee labada dal ay gorfeyn doonaan iskaashiga ganacsiga, maalgashiga iyo kobaca waxsoosaarka.”

Uganda ayaa ah dalkii sideedaad ee uu booqasho ku tego madaxweynaha tan iyo markii dib loo doortay 15-kii May 2022. Waxa uu horey u booqday dalalka Imaaraadka, Turkiga, Eritrea, Kenya, Jabuuti, Tanzania iyo Masar.

Booqashada ayaa imaneysa maalin kadib markii golaha shacabka uu ansixiyey golaha wasiirada cusub, taasi oo ka dhigan in dalka hadda uu leeyahay xukuumad rasmi ah kadib bilo ay shaqeyneysa xukuumad xil-gaaris ah.