1 min read

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Xoogga iyo Askar kale oo ku dhintay qarax ka dhacay G/Hiiraan.

Ugu yaraan saddex askari ayaa ku geeriyooday, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen, qarax is-miidaamin ah oo maanta ka dhacay Isgoyska Kala-bayr ee duleedka magaalada Beledwayne ee Gobolka Hiiraan.

Laba xidigle Takar Subagle oo ahaa taliyaha horinta sadexaad, ururka 1-aad ee GORGOR ayaa kamid ahaa Askarta maanta ku geeriyootay qaraxa ka dhacay Kala-bayr.

Takar Subagle ayaa sidoo kale soo noqday Taliyihii Amniga doorshooyinkii ka dhacay magaalada Beledwayne. Waxaana lagu wadaa in meydkiisa loo soo qaado magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa waxaa loo adeegsaday gaari nuuca loo yaqaan dheynada, waxaana uu ka dhacay afaafka hore ee Xiro ay Ciidamada Gorgor ku lee yihiin deegaanka Kala-bayr.

Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxa ka dhacay duleedka Beledwayne.