1 min read

War ku soo kordhay Daanyeerada burcadda noqday iyo booliska Japan.

Saraakiisha ku sugan galbeedka dalka Japan ayaa sheegay inay qabteen oo ay dileen daanyeer la rumeysan yahay inuu ka tirsan yahay daanyeero burcad ah oo argagax geliyay shacabka dalkaas muddo toddobaadyo ah taasoo keentay in tobanaan qof ay dhaawaceen.

Booliska ayaa arkay daanyeerka oo dhex ordaya barxadda dugsi sare oo ku yaalla halkaas, booliska ayaa halkaa ku toogtay.

Saraakiisha ayaa shacabka ugu baaqay inay feejignaadaan.

Booliska dalka Japan ayaa ka hortagaya daanyeerro weeraray xaafado ay dad deggan yihiin.

Ilaa 42 qof oo ah caruur iyo waayeel ayey wararku sheegayaan in ay daanyeerradaas dhaawaceen.

Hase yeeshee, weerarka daanyeerrada oo markii hore ahaa kuwa dhif ah ayaa haatan ku soo batay dalka Japan waxaana arrintaas ay noqotay mid kheyrul-caadi ah.