1 min read

Booliska Kenya oo ku duulay xafiis lala xiriirinayo madaxweyne ku xigeenka Ruto.

Booliska Nairobi ayaa ku duulay isla markaana gudaha u galay xafisyo lala xiriiriyay in uu leeyahay madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto, kana mid ah musharraxiinta ugu cad cad doorashada madaxweynaha ee dhaceysa bisha soo socota.

Sarkaal ka tirsan booliska ayaa sheegay in baarayaasha ay soo qabteen labo koombiyuutar iyo labo qalab xog ku keydsanaa.

Sarkaal kamid ah kooxda ololaha doorashada madaxweyne ku xigeenka ayaa BBC u sheegay in aysan dooneyn in lugaha loo geliyo wax uu ku tilmaamay ‘arrin aan muhiim aheyn iyo carqaladeyn’

Arrintan ayaa kusoo beegmeysaa iyadoo ay jirto xiisad u dhexeysa ciidamada ammaanka dalka iyo guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC.Dhawaan guddiga doorashada wuxuu si adag u dhaleeceeyay go’aan lagu xiray saddex qof oo ajaaniib ahaa oo la siiyay qanddaraas ku saabsan inay ka shaqeeyaan nidaamka codeynta casriga ah.Booliska ayaa eedeymahaa iska foggeeyay, wuxuu sheegay in aysan jirin caddeymo muujinayo in dadkaas shaqo laga siiyay guddiga doorashada.

Loolankadoorashada madaxtinimo ayaa loo arkaa mid ay siaad ah ugu tartamayaan Mr Ruto iyo Ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaas, Raila Odinga.