1 min read

Maamulka Dowlad Deegaanka Soomaalida oo shaaciyay inuu joogsaday dagaalka afar maalin ee Al-Shabaab.

Maamulka Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa shaaciyay in uu joogsaday dagaalka afar maalin ka hor ay dagaalameyaasha Al-shabaab ku qaadeen deegaanno iyo tuulooyin ku yaalla Xadka Soomaaliya iyo Itoobiya.

War-murtiyeed ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Dowlad deegaanka ayaa waxaa lagu sheegay in dagaalameyaasha ka tirsan Al-shabaab ee weerarka qaaday ay doonayeen in ay gudaha u galaan Gobolka Oromiya, si bay yiraahdeen ugu biiraan kooxda Shane oo halkaasi ka dagaalama.

“Hawlgalka waxaa lagu dilay in ka badan 100 xubnood oo ka tirsanayd Argagixisada Alshabaab, 13 Baabuur oo ay wateen, waxaana laga qabtay dhamaanba Hub, isgaadhsiin iyo Agabkii ay wateen” ayaa lagu yiri Bayaanka.

Ugu dambayn, Bayaanka ka soo baxay Guddiga Amniga ee Dowlad deegaanka ayaa waxaa lagu sheegay in bulshada lala wadaagi doonaa xogaha ku saabsan Hawlgalka.

Ma jiro war ka soo baxay dhinaca Al-shabaab kaasi oo ku aadan dagaalka afartii maalin ee la soo dhaafay ka socday deegaanno ku yaalla xuduudka Soomaaliya iyo Itoobiya.