1 min read

Gudoomiyaha Bakool oo sheegay oo sheegay inuu khasaare soo gaaray dadka ku dhaqan Gobolkaasi.

Gudoomiyaha Gobolka Bakool Maxamad Cabdi Tahliil ayaa ka hadlay Dagaaladii ka dhacay maalmihii lasoo dhaafay xuduudda uu ka wadaago Gobolka Bakool Dowladda Degaanka Soomaalidda, kaa oo y dhaxeeyay Xubno ka tirsan Kooxda Al-Shabaab iyo Ciidamada Liyuu Booliiska ee Dowlad Degaanka Soomaalidda.

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in dagaalka kadib Koox ka tirsan Al-Shabaab ay gudaha u gashay xuduudda Itoobiya halka qaar kalana ay dib ugu soo kaabteen degaano ka tirsan gobolka Bakool, kadib Dagaallo qaraar oo halkaasi ka dhacay.

Isagoo sii hadlayay ayuu sheegay Guddoomiye Gobolka Bakool Maxamad Cabdi Tahliil in khasaare lixaad leh uu soo garay Dadka ku dhaqan qeeybo kamid ah Gobolka bakool, haba ugu sii badnaadane Degaanadda Yed iyo Aato, oo ka tirsan Gobolka Bakool.