2 mins read

IGAD oo ka digtay khatarta abaaraha kajira geeska Africa.

In ka badan 50 milyan oo qof ayaa la filayaa inay wajahaan heerar sare oo cunto yari ba’an sanadkan guud ahaan todobada wadan ee Urur gobaleedka IGAD (Jabuuti, Ethiopia, Kenya, Somalia, South Sudan,

Sudan, Uganda) sida ku Cad warbixinta sanadda 2022 ee  Urur goboleedka IGAD oo diiradda lagu saaray dhibaatooyinka cunto yarida ee kajirta waddamo badan oo dhaca gobalka  geeska Africa.

Dalalka Itoobiya, Kenya, Soomaaliya, Suudaanta Koonfureed iyo Suudaan ayaa wajahaya cunno la’aantii ugu badnayd ee ka dhacda gobolka. Qiyaastii 300,000 oo qof ayaa la saadaalinayaa inay wajahi doonaan Musiibo bani,aadannimo , Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan sanadka 2022, iyadoo Khatar Macaluul ah ay ka dhici  karto waddamada geeska Africa iyadoo ay maqan tahay gargaar bini’aadantinimo oo sare loo qaaday.

50 – 51 milyan oo qof la filayo inay la kulmaan Dhibaato ama ka sii daran, waxay calaamad u tahay koror aad u weyn laga soo bilaabo 2021 markii 42 milyan oo qof ay soo food saartay heerar sare oo cunto yari. Sannadkii hore, gobolka IGAD waxa uu ku dhawaad 22 boqolkiiba ka ahaa tirada dadka adduunka ee ku jira Qalalaasaha ama wax ka sii daran. iyadoo lagu qiyaasay 10 milyan oo carruur ah oo ay da’doodu ka yar tahay 5 sano ay la ildaran yihiin nafaqo-xumo ba’an. Intaa waxaa dheer, 24 boqolkiiba 51 milyan oo qof oo gudaha ku barakacay adduunka ayaa sidoo kale ku sugnaa waddamada IGAD, gaar ahaan Itoobiya, Soomaaliya, Koonfurta Suudaan, iyo Suudaan.

Gobolkeenna waxaa kudhufatay abaar ba,an”, ayuu yiri Workneh Gebeyehu, Xoghayaha Fulinta ee Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada (IGAD). “Isbadalka  cimillada, iskahorimaadyada, iyo caqabadaha dhaqaale ayaa ka dhigaya dalalka gobalka geeska Africa waddamo u  nugul caqabadaha abaaraha.

“Xaaladda sugnaanta cuntada ee Geeska Afrika (Itoobiya, Kenya, iyo Soomaaliya) waa mid aad u xun ka dib markii afar xilli roobaad oo xiriir ah ay baaqdeen,”ayuu yiri Dr. Chimimba David Phiri, Xiriiriyaha hoose ee FAO ee Bariga Afrika iyo Wakiilka FAO ee Midowga Afrika,. “Hadda in ka badan sidii hore, waa in aan hirgelinnaa jawaabaha badbaadinta hab-nololeedyada muddada-gaaban oo leh dhismo adkeysi muddada-dheer oo looga golleeyahay in wax looga qabto sababaha asaasiga ah ee dhibaatooyinka cuntada ee gobolkeenna.”

“Colaad, cimilo aad u daran, jahawareerka dhaqaalaha, kor u kaca kharashaadka iyo hadda saamaynta colaadda Ukraine ee qiimaha cuntada iyo tamarta ayaa malaayiin ruux ku riixaysa  gaajo iyo macluul  Bariga Afrika,” ayuu yidhi Michael Dunford, Agaasimaha Gobolka ee Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Bariga Afrika.