1 min read

Ururka Waddamada Bariga Afrika oo ka dooday codsiga xubinnimada Soomaaliya.

ARUSHA, TANZANIA – Dawladda Soomaaliya ayaa olole xooggan ugu jirta sidii loo ansixin lahaa inay ku biirto ururka ay ku midaysan yihiin dalalka bariga Afrika ee loo yaqaano Bulshada Dalalka Bariga Afrika (East African Community).

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Carusha ee dalka Tanzania kaga qaybgalay xidhitaanka shir madaxeedka Ururka Wadamada Bariga Afrika (EAC). Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya, shir madaxeedka ka dhacay magaalada Carusha ayaa lagaga dooday codsiga rasmiga ah ee ay dawladda Soomaaliya u gudbisay ururkan, si ay xubin rasmi ah uga noqoto ururkan.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu kulan doceedyo la qaatay madaxda ka soo qaybgashay shirkan, isaga oo olole ugu jiray ansixinta codsiga dawladda Soomaaliya, wuxuuna la wadaagay madaxda uu la kulmay fursadaha dhaqaale iyo tan bulsho ee ay ku tilmaaman yihiin shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan doorka xooggan ee ay ka qaadan karaan horumarka ururka iyo saamaynta ay ku leeyihiin gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay Madaxda dalalka Dallada Bulshada Bariga Afrika (Eac), fursadda ay u siiyeen in uu sii xoojiyo codsiga dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan ku mid noqoshada dalladdan, waxa uuna ku ammaanay shacabka iyo dowladda Jamhuuriyadda Tansaaniya soo dhaweynta iyo marti-gelinta wanaagsan ee ay ku qaabileen isaga iyo wafdigiisa.” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan ayaa kulamo la qaatay madaxdii kala duwanayd ee ka soo qayb gashay shirkaasi oo ay ka mid yihiin madaxweynayaasha dalalka Kenya Uhuru Kenyatta, Tanzania Marwo Samia Suluhu Hassan, Uganda Mudaw Yoweri Musseveni, iyo Brundi mudane Evariste Ndayishimiye.