1 min read

Wararkii ugu Dambeeyay Dagaalka Al-Shabaab iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Ciidamada Xoogga Gaarka ah ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa faah-faahin ka bixiyay dagaalka saacadihii la soo dhaafay ka socda deegaanka Hulhul oo ay ku go’doonsan yihiin dagaalameysaasha Al-shabaab.

Saraakiisha hoggaamineysa Ciidamada ayaa soo bandhigay xubno kamid ah Shabaab oo ay ku qabteen dagaalka ilaa hadda socda, iyaga oo tilmaamay in ay ku hareereysan yihiin deegaanka Hulhul ee Gobolka Afdheer.

“Gacanta ayaa lagu hayaa qaybo kamida inta kalena waa lagu xeeranyahay dagaalkuna wuu socdaa.Shacabka gobolka Afdheer iyo guud ahaan bulshada deegaankuba ciidanka ha ku garabsiiyaan hawlgalka lagu nadiifinayo argagixisada ina soo damaacidey” ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay Bogga Ciidamada Xoogga Gaarka ee Dowlad Deegaanka.