1 min read

Ma Run baa in Ruushka iyo Ukraine heshiis wada saxiixdeen?

Ruushka iyo Ukraine ayaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ku kala saxiixday heshiis dib loogu bilaabayo dhoofinta badarka ee dekedaha badda madow.

Mas’uuliyiin ka kala socotay labada ee dagaalku ka dhexeeyo ayaa wada saxiixay heshiiska, iyagoo aan wada fadhiisan hal miis, isla markaasna aan la is gacan qaadin.

Intaa waxaa dheereyd in kala fogaanshaha iyo dagaalka ka dhaxeeya labada dhinac owgeed, Calamadooda in aan la is agdhigin, waxaana loo dhexeysiiyay Calanka Qaramada Midoobay iyo kan Turkiga.