1 min read

Al-Shabaab oo lagu go’doomiyay deegaan ku yaalla Dowlad deegaanka Soomaalida.

Faah-faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal gelinkii dambe ee Arbacadii ay dagaalameyaasha Al-shabaab ku qaadeen deegaano ka kala tirsan Gobolka Bakool iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Sarkaal u hadlay Militeriga Itoobiya oo la hadlay Wakaaladda Wararka Reutors ayaa sheegay in dhinacooda dagaalka ay la galeen Al-shabaab looga dilay 17 ruux oo kamid ah Ciidamada Liyuu Booliis, iyo sidoo kale saddex rayid ah.

Sidoo kale, waxaa uu sheegay Al-shabaab ay ka dileen 36 dagaalame, iyada oo laga qaatay 16 gaadiid.

Dhinaca kale, warar soo baxaya ayaa sheegaya in Al-shabaab lagu go’doomiyay deegaanka Hulul oo ka tirsan Gobolka Afdheer, isla markaasna ay saddex geesood ka fadhiisteen Ciidamada Liyuu Booliis.