1 min read

Xildhibaan Maxamed Xuseen “Al-Shabaabka weeraray deegaannada xuduuda Itoobiya, waxaa ku wehliya TPLF…”.

Xildhibaan Maxamed Xuseen Geedi oo ka tirsan Baarlamaanka Koofur Galbeed ayaa ka hadlay dagaalka saacadihii la soo dhaafay ka socday deegaano ka tirsan Gobolka Bakool iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Xildhibaanka oo wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in Dagaalameyaasha Al-shabaab ee weerarka ku qaaday Deegaanada Yeed, Aato iyo Washaqo ay kamid ahaayeen rag ajaanib ah oo ka tirsan Kooxda TPLF ee dagaallanta Gudaha Itoobiya.

“Shabaabka galay deegaannadaasi, waxaa ay ka koobnaa Soomaali iyo rag Itoobiyaan, waxaana ku jira nimankii TPLF ee la dagaalamay Dowladda Itoobiya” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Xuseen.

Sidoo kale, Xildhibaanka ayaa sheegay in Ciidanka Shabaab ee galay deegaannada ay weli go’doonsan yihiin, isla markaasna ay dhinacyada ka fadhiyaan Ciidamada Xoogga iyo kuwa Liyuu Booliis.

Wararkii u dambeeyay ee naga soo gaaray deegaannada Shabaabku weerareen ayaa sheegaya in weli uu socdo dagaalka, isla markaasna sii kordhayo khasaaraha dhinacyada iyo dadka rayidka ah.