1 min read

Maamulka G/Hiiraan oo ku dhowaaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

Guddoomiyaha oo la hadlayay Bulshada degmada Matabaan oo yeeshay maamul cusub ayaa sheegay in howlgalada bilaaban doono looga dan leeyahay sidii loo fududeyn lahaa isku socodka iyo sare u qaadida Ganacsiga.

“Suuqyada Ganacsiga ayaa la furayaa qudaarta Mooska ayaa la keenaya, Hay’addaha Samafalkana ee ka howlgala Gobolka Hiiraan, waxaanu u fureynaa jid ay soo maraan, waxaana aanu ka qabaneyna Al-shabaab” ayuu yiri Guddoomiye Jeyte.

Degmada Matabaan oo Magaalada Beledwayne u jirta 60 KM ayaa waxaa dhowr jeer weeraro ku soo qaaday dagaalameyaasha Al-shabaab, iyaga oo burburiyay Garoonka Diyaaradaha iyo xaruumo kale oo muhiim ah.

Al-shabaab ayaana xilliyada qaar lagu arkaa tuulooyin hoos yimaada degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.