1 min read

RW Xamse Cabdi Barre maka dhabayn donaa balanqaadkii uu u sameeyay Golaha Shacabka BFS?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo hortagay Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya 25 Juun 2022-ka si ay u siiyaan codka kalsoonida Golaha ayaa markii ay siiyeen Xildhibaannada u sameeyay Balanqaad.

Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka kooban 275 mudane ayaa Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre u balanqaaday in ay u badnaan doonaan Golahiisa Wasiirada uu soo dhisi doona, isaga oo sheegay sida ay u nasixiyeen in ay u ansixiyaan Xukuumaddiis.

Xukuumaddii uu Hoggaaminayay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka koobneed 69 Wasiir; kuwaas oo ukala qeyb sanaa, Wasiirada ayaa ka koobnaa 26 Wasiir, Wasiir ku xigeennada ayaa gaarayay 26 halka uu soo magacaabay 17 Wasiirudowle oo wadart guud ay noqoneyso 69 Wasiir.

Wasiirada uu soo Magacaabay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa intooda badan ka yimid Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo tiradooda ay gaareysay 43 Wasiir oo la mid ah in 63 % Boqolkiiba Golaha Wasiirada ay ka yimaadeen Golaha Shacabka halka 47% Boqolkiiba Golaha Wasiirada ay ka yimaadeen Bulashada qeybaheeda kale.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo magacaaban in ka badan 40 beri ayaa weli soo dhisin Golahiisa Wasiirada, balse warar soo baxaya ayaa tibaaxaya in uu wado la tashiyadii ugu dambeeyay ee magacaabista Xukuumaddiisa.