Mooryaanku dhowr Qof ayuu wax ka dhacay ee Siyaasigii ummadda oo dhan wax ka dhexeeyay dhacay amaa Safku dheeraadaa =Nasashada Jimcaha. Q-314=
1. Nin tuug ah oo Xoog weyne ahaa, ayaa la qabtay isaga oo Guri jabsanayo, aad ayaa loo garaacay. waxaa lagu yiri: Sidaan ayaad u xoog weyn tahay ee maad shaqeeysatid. waxa uu yiri: oo hadda maxaan qabanayay ma dawarsanayay.( F.S: 1aad).

( Madaxda qaar armeey Xatooyada Xoolaha Dadweynaha u maleeyaan inay tahay Shaqo Qaran)
2. Nin Xamar ku qabay Xaas lagu magacaabo Caasha Luul, oo aad u Waji qurxooneed, laakin jirkeeda kale uu fool xumaa ayaa Kenya tagay. waxa uu ku arkay Hotelkii Gabar kenyan ah oo Qolka Nadiifineeysay oo jirkeedu aad u dhisan yahay laakin aan waji qurxaneeyn. markaa ayuu yiri: Alloow, yaa Madaxa ka jaro oo Madixii Caasha luul ku xiro. waxaa lagu yiri: oo Madaxeeda iyo Jirkii Caasha luul yaa la siinaa? (F.S: 2& 3aad)
( Siyaasiyiinteena aan dhaqanka Somalida aqooni waxay jecelyihiin, wax aan is qabaneeyn in la isku kooleeyo )
3. Mooryaan ayaa Nin Miskiin ah wax ka dhacay. Miskiinkii ayaa yiri: Aakhiraan kugu sugaa. Mooryaankii ayaa yiri: Aakhiro Dad kaa badan oo aan hore u dhacay ayaa igu sugayo ee amaa safku kugu dheeraadaa oo aad tiraa Safkan sugi ma karo ee waan iska cafiyay. ( F.S: 4aad)
( Mooryaanku dhowr Qof ayuu wax ka dhacay ee Siyaasigii ummadda oo dhan wax ka dhexeeyay dhacay amaa Safku dheeraadaa )
4. Nin siyaasi ah ayaa yiri: Hadda ka hor ayaa Dayaaradu Hawada Sare nagula qaraxday, Dhamaan Dadkii saarnaa oo dhan waa wada dhinteen Qofkina kama badbaadin.
wariye ayaa ku yiri: Soow Adiguna maadan ku dhiman. Siyaasigii ayaa ku yiri: Sug, Haddalka ha iga boobine, waaba dhiman doonaahe.
( Siyaasiyiin Hawada Siyaasadda mar hore ku dhimatay ayaa noo sheekeeysay )
5. Sarkaal Shiidle ah iyo Mid Reer Waqooyi ah ayaa Tababar Ciidan loogu diray Ruushka. Gabar Ruush ah ayaa ku tiri: Labadiina maxaa sidaan idiin madoobeeyay, ma qubeeysatiin miyaa?
kii Reer Waqooyiga ayaa yiri: Waxaan ka nimid Somaliya, Laakin Anigu waxaan ka soo jeedaa Carab, kanna waa Afrikaan. Gabadhii Ruushka ayaa ku tiri: Labadiina waxaan idiin maleeynayay in aad Mataano tihiin.( F.S: 5aad)
( Adiga iyo Walaalkaa Aduunku waxa ey idiin wada yaqaaniin Somali, kamana fiicnid ee isma hurtooy ha is haleeyn)
6. Nin ayaa Guursaday, Bil kadib ayaa Qaraabadii ku tiri: Weli Xaasku Uur male miyaa?. waxa uu ku yiri: Goormeey Uur yeelan leheyd, weliba Dericii kama siibine.
( Doorashadii Laba Bilood ayaa laga joogaa ee Nabadgalyo xumidii wax ma laga qabtay? sidee, weliba Golihii Wasiirada lama magacaabin, Saraakiishiina Xilka lagama qaadine)
Qore: Yahya Amir