1 min read

Al-Shabaab oo Dagaal ka wada gudaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Warar ay heshay KNN ayaa sheegaya in dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab ay gudaha u galeen deegaano hoostaga dowlad deegaanka Soomaalida.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in xubnahan ka tirsan Al-shabaab ay ka tallaabeen dhanka gobolka Bakool.

Ciidamada xoogga iyo Al-shabaab ayaa dagaal culus waxaa uu ku dhexmaray deegaano ay ka mid yihiin Yeed, Caato iyo degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool, iyadoona la sheegay in ku dhawaad 20 dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab in lagu dilay dagaalkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in 16 gaadiidka dagaalka ah oo ay wateen Al-Shabaab ay 70 km gudaha u galeen Dawlad Deegaanka Soomaalida.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in Al-shabaab ay haatan ku sugan yihiin duleedka degmada Hargeelle iyo deegaano kale oo ka tirsan dowlad deegaanka Soomaalida

War ka soo baxay saraakiisha ammaanka ee Liyuu Booliska ayaa lagu sheegay in dagaalka ay ku dileen ku dhawaad 100 dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab, balse ma sheegin Booliska iyagu khasaaraha ka soo gaaray dagaalka.

Dhanka kale Afhayeen u hadlay Al-Shabaab oo lagu magacaabo Cabdicasiis Abuu muscab ayaa sheegay inay dagaalkii shalay iyo kan maanta ay ku dileen in ka badan 200 askari oo ka tirsan kuwa Liyuu Boolis