1 min read

Maxay ka wada hadleen Guddoomiyaha Golaha Shacabka & Safiirka Dowladda UK?.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madobe ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dowladda Ingriiska u qaabilsan Soomaaliya Kate Foster.

Ugu horreyb Danjiraha Dowladda UK ayaa marka hore Guddoomiyaha la wadaagtay sida dowladda Ingiriiska ay uga go’an tahay wax ka qabashada Abaaraha  iyo  in ay si buuxda u taageeri doonto  tababarada shaqaalaha baarlamaanka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa dhankiisa boggaadiyay dedaallada dowladda Ingriiska ay ku taageerayso Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaas oo wax badan ka tari doona shaqada Golaha Shacabka, waxaana uu ahmiyada kowaad siiyay sidii wax badan loogu qaban lahaa Abaarahan soo noqnoqday. Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Golaha Shacabka.

DDhanka kale Guddoonka Golayaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa wada kulamo ay la yeelanayaan qaar ka mid ah Wakiilada Beesha Caalamka, iyaga oo labada Guddoomiye Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka ay la kulmeen ergayga gaarka ah ee Dowladda Finlad u qaabilsan arrimaha nabadaynta geeska Afrika Suldaan Saciid Axmed oo ay kaga wadahadleen sidii gurmad loola soo gaari lahaa dadka ay abaaruhu saameeyeen