1 min read

Mareykanka oo sheegay in duqeyn ku dileen saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.

Warsaxaafadeed ka soo baxay  taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika ee loo yaqaan (Africom) ayaa lagu sheegay in, ay duqeyn dhinaca cirka ah ay ku qaadeen saldhigyo Al-shabaab ay ku leeyihiin deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in duqeynta ay ka dhacday Degaan fog oo u dhow degaanka labikuus oo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

“Ciidamada Maraykanka ayaa loo fasaxay inay fuliyaan weeraro ay ku difaacayaan ciidamada kajooga Soomaaliya.

Qiimeynta hordhaca ah ee taliska helay ayaa sheegaya in labo ka mid ah Al-Shabaab lagu dilay howlgal iyo in aysan jirin dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama lagu dilay ayaa lagu yiri” War saxaafadeedka ka soo baxay  taliska Mareykanka ee Africom .

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu yiri  “Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa weli ka go’an la dagaalanka Al-Shabaab. si ay uga hortagaan dhimashada dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan ayaa lagu soo geba-gabeeyay Warka kasoo baxay Mareykanka.