1 min read

Guddoomiyaha XSKC oo u ambabaxay dalka morocco.

Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane Cali Cabdi Maxamed, ayaa u ambabaxay magaalada rabat, ee dalka morocco, halkaas oo uu kaga qeyb geli doono xaflada abaal-marinta Kubadda cagta Afrika.

Guddoomiye Cali Cabdi Maxamed ayaa marti qaad ka helay madaxweynaha xiriirka kubadda cagta Afrika Patrice Motsepe.

Guddoomiyaha inta uu ku suganyahay dalka Morocco Waxaa uu kulamo la qaadan doonaa madaxda qaarada iyo tan gobolka.