1 min read

Madaxweynaha Puntland oo ka tacsiyeeyey geerida ku timid  Ugaas Faarax xaaaji Maxamuud.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo ku hadlaaya magaciisa iyo kan Goleyaasha Dowlad Goboleedka Puntland iyo Shacabka , ayaa ka tacsiyeeyay geerida Alle ha u naxariistee Ugaas Faarax Xaaji Maxamuud (Faarax Dheere) oo ka mid ahaa Hoggaanka dhaqanka ee Puntland oo caawa ku geeriyooday Gobolka Sool.

“Alle ha u naxariisto Ugaas Faarax Xaaji Maxamuud (Faarax Dheere) oo ku geeriyooday gobolka Sool, wuxuu ahaa odey waxbadan kasoo shaqeeyay nabadgelyada iyo horumarka Bulshada.

Waxaan geeridiisa uga tacsiyeynayaa Shacabka Puntland, Dhaqanka iyo gaar ahaan eheladii iyo qoyskii uu ka geeriyooday, marxuumka alle janadii ha geeyo helkiisana samir iyo iimaan, aamiin.”Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

Alle ha u naxariistee Ugaas Faarax Xaaji Maxamuud (Faarax Dheere), ayaa ka mid ahaa hoggaanka dhaqanka ee Puntland, wuxuu kasoo qeyb qaatay ka shaqeynta nabadgelyada iyo horumarka Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya oo uu marwalba u taagnaa.