1 min read

Madaxweynaha Soomaaliya oo Maanta ku wajahan dalka Kenya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi oo hoggaaminayo ayaa Maanta oo khamiis ah ku sii jeeda magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya, halkaas oo booqasho rasmi ah oo labo cisho ah ku joogi doono.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la kulmi doona dhiggiisa dalka Kenya Uhuru Kenyatta iyo Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha dalkaas, isaga oo kala hadli doona arrimo ku saabsan xaaladda Soomaaliya.

Dowladda Kenya ayaa horay u sheegtay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu tegi doono Magaalada Nairobi, isla markaana heshiis ku saabsan dib u fasixida khaadka (jaadka) uu la saxiixan doono Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata, warkaas oo Villa Somalia ay ka aamustay.

Warar kale oo la helayo ayaa sheegaya in sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh uu booqan doono dalalka Itoobiya iyo Kenya, isla markaana Madaxda dalalkaas uu kala hadlii doono arrimo ku saabsan Soomaaliya.

Safarkan uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku tagayo Magaalada Nairobi ayaa noqonaya kii afaraad oo dibadda ah tan iyo markii Madaxweynaha loo doortay 15 May, Madaxweynaha ayaa maalin kaddib u buuxsameysa 60 cisho oo uu Xafiiska joogo, iyadoo dhowr iyo toban cisho uu safaro dibadda ah ku maqnaa.

Tegitaankiisa Madaxweynaha Soomaaliya Magaalada Nairobi ayaa bilow u noqoneysa dib u soo nooleynta xiriirkii Soomaaliya iyo Kenya oo labadii sano ee u dambeeyay mugdi galay xiriirkii labada dal oo gaaray heer Safaaradaha lakala rarto, intii uu xilka hayay Madaxweyne hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.