|

Al-Shabaab oo xalay weerartay degaanka Janaale ee Sh/Hoose.

Maleeshiyaad ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa xalay saqdii dhexe waxaa ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidamo katirsan Millateriga Soomaaliya kuleeyihiin degaanka Janaale oo hoostaga degmada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal leyska adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Saraakiil katirsan Ciidanka Ururka 83-aad, guutada 14-ka October ee Xoogga dalka ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab, isla markaana khasaaro xoogan ay ku gaarsiiyeen dagaal kooban oo ka dhacay degaanka Janaale.

Sidoo kale saraakiisha ayaa degaanka Janaale kusoo bandhigay meydka  hal Xubin oo katirsan Al-Shabaab, kaas oo dagaalka lagu dilay.

Taliyaha ururka 83-aad ee October Gaashaanle Sare Nuuradiin Xuseen ayaa sheegay in Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay howdka degaanka Janaale ka wadaan howlgallo ay ku baadi goobayaan dagaalamayaal kayirsan Al-Shabaab ee degaanka soo weeraray.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in xaaladdu ay tahay mid degan, isla markaana isku socodka dadka iyo Ganacsiga ay si caadi ah u Shaqeeynayaan.

Posted by on Jul 14 2022. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]
300x250 ad code [Inner pages]