|

Gudoomiyaha G/Banaadir oo kormeeray waddooyin ay biyo fariisteen.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish), ayaa booqday qaar kamid Wadooyinka Caasimadda oo uu biyaha dhigay Roobkii da’ay 24-kii saac ee ugu dambeeyay.

Duqa magaalada ayaa goobihii uu booqday waxaa ka socotay shaqa balaaran oo ay howl wadeenada Dowlada Hoose Ee Xamar biyaha uga saarayeen Wadooyinka Muqdisho si Shacabka loogu fududeeyo  isku socodka gaadiidka iyo bulshada.

Goobaha uu kormeeray Gudoomiyaha waxaa kamid ahaa.

1- Wadada hormarta dugsiga tababarka Ciidanka boliiska Soomaaliyeed ee School Police.
2-wadada 21-October
3-Warta KM-4 ee degmada Waabari
4- Wadada Buula Xubeey ee degmada Wadajir

Gudoomiye Cumar Filish ayaa maamulada degmooyinka gobolka Banaadir faray in olola xoogan oo nadaafada iyo bilicda lagu soo celinayo laga qabto Waddooyinka Caasimadda.

Sidoo kale, wuxuu ugu baaqay bulshada in ay garab istaagaan howl wadeenada Dowlada Hoose Xamar.

Posted by on Jul 14 2022. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]
300x250 ad code [Inner pages]