1 min read

Mas’uuliyiin ka soo saarey bayaan nabadeed israsaaseyntii garoonka Boosaaso.

Mas’uuliyiin ay kamid yihiin madaxweynayaashii hore ee Puntland, Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, ayaa kulan ku yeeshay magaalada Nairobi.

Waxay kasoo saareen baaq nabadeed kulankooda, oo la xiriira shaqaaqadiika dhacday garoonka magaalada Boosaaso oo ay dad dhawr ah ku dhinteen.

Isniintii ayay ahayd markii diyaarad sida raashiin gargaar ah, oo ay la socotay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baraalamaanka Soomaaliya, Sacdiya Salaad laga celiyay garoonka Boosaaso.

Tani ayaa sababtay in iska hor imaad uu dhex maro ciidamo ka wada tirsan kuwa maamulka Puntland ee dalka Soomaaliya.