1 min read
Bajaaj ,Bandow iyo Bukaan!!!.
1.Bajaajku ma shaqeyn karo 6 saac kadib si nabadgalyada loo sugo. Ma xumo haddiiba Nabadgalyo la sugayo.
- Waxaa jiro Bajaajleey Tuugada Mobilada dhacdo la shaqeeyo Habeenkii. Waa sax iyagana hala qabto.
Laakin xisaabta ha lagu daro.
- Badanaa Mobile waxaa la dhacaa 9-11 pm, Habeenkii. Wakhtigaana Bajaajka lama xayirin. Habeenkii 6 saac kadib badanaa Dadku maba socdaan.
- Qorshaha ma lagu daray in Dadweynaha inta badan uuna Gaadiid guryaha u aalin. Haddii 6 saac kadib Xaasku kugu foolato ama Qof xanuun ku soo boodo waxaa la isticmaalaa Bajaaj, marka haddii la yiri: habeenkii 6 saac kadib Bajaaj ma socon karo, Hanaloo Reebo Dhowr Bajaaj oo “Bajaaj Ambulance” ah oo Numbaradooda Bulshada la siiyo.waa iga Talo.
Qore: Yahya Amir