1 min read

Dhacdo Fool xun: Nin walaalkii u dilay nus Doolar dalka Kenya.

Ciidanka booliiska ee deegaanka Webuye ee dalka Kenya, ayaa xirey nin lagu eedeeyey inuu u dilay walaalkii nus Doolar deyn ah, oo uu ku lahaa.

Nickson Matumbai, oo ah 61 sano jir, ayaa waxaa tooriyeeyey walaalkii, oo 33 sano jir ah, iyo ina adeerkii oo 50 jir ah, deegaanka Misikhu, oo katirsan is maamulka Bungoma ee dalka Kenya jimcihii.

Labadan qof, ayaa loogga shakisan yahay iney dilka Mutambai u adeegsadeen walxo fiiqan iyo mindi, xilli ay kusoo noqdeen gurigooda, oo ay kasoo cabeen cabitaanada lagu sakhraamo goob sharci darro ah.

Mutambai iyo walaalkii ka yar, ayaa la sheegay iney ku murmeen jiritaanka lacagta gaareysa Ksh50 deynta, oo u dhiganta nus Doolarka.

Madaxa booliiska bariga deegaanka Webuye, Martha Ngetich, ayaa u sheegtay wargeyska Nation Africa in dhacdada dilka ah uu ka warbixiyey madaxa deegaanka Misikh, kaasoo la yiraahdo John Musamali.

Wuxuu sheegay John Musamali in dhibanaha jirkiisa inta wajiga ka hooseysa la jarjarey. Booliiska waxey goobta dilka kasoo qaadeen baangad dhiig leh, iyo usha lagu socdo.

Waxaa lagu soo waramayaa marxuumka iyo walaalkiis oo lagu tuhmayo inuu falkan waxashnimada ah geystay, uu mar waliba dhex mari jirey dagaal marka ay cabaan khamrada lagu sakhraamo.

“Waa run in walaalahay ay dagaallami jireen marka ay sakhraansan yihiin, waxaan tuhun sanahay in ina adeerkeey uu isaguna ku lug leeyahay (dilka), waxaana laga yaabaa inuu garanayo cidda kale ee gacan ka geysatay dilka Matumbai,” ayuu yiri walaal kayar ninka dhintay, oo layiraahdo James Makenzi.

Meydka Matumbai, ayaa la dhigay isbitaalka weyn ee deegaanka Webuye, qeybta lagu kaydiyo meydadka.