1 min read

Madaxweyne Xasan Sheekh oo markale booqday Ciidamada tababarka u jooga Ereteria

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Madaxweynaha Ereaeria, Isaias Afwerki ayaa maanta booqday Dekedda Magaalada Massawa, si ay ugu kormeeraan Ciidamo halkaasi tababar u jooga.

Ciidamada oo loo tababaro sugida Ammaanka badaha ayaa soo bandhigay dhoolatus ku aadan howlaha ciidan ay barteen, iyada oo Saraakiishoda warbixin siiyeen Madaxweyne Xasan Shiikh.

Muuqaalo la baahiyay ayaa muujinayay Askarta oo ka xaysneysa Doonyo uu ka muuqdo Calanka Soomaaliya, isla markaasna loo carbiyay sidii ay u ka xeyn lahaayeen.

Madaxweyne Xasan Shiikh oo socdaal afar cisho ah ku jooga Ereteriya ayaa hore waxaa uu u booqday Askar kale oo tababar u jooga dalkaasi, kuwaasi oo markii u horreysay ay muuqaaladooda bulshada arkeen.