1 min read

Yaa noqon doona ra’iisul wasaaraha cusub ee UK?.

LONDON — Warbixin kasoo baxdey xafiiska ra’iisul wasaaraha Britain ayaa lagu xaqiijiyey in uu Boris Johnson sii ahaan doono ku-simaha ra’iisul wasaaraha dalka ilaa iyo inta laga soo dooranayo hogaamiyaha cusub ee xisbiga talada haya oo noqon doona ra’iisul wasaaraha 56 aad ee wadakani yeesho.

Boris Johnson ayaa shalay iska casilay xilka hoggaamiyaha xisbiga Conservative-ka ee Britain, taasi oo dhabbaha u xaareysa doorashada ra’iisul wasaare cusub kadib markii wasiiro dhowr ah ay iska casileen dowladdiisa ay fadeexadaha hareeyeen.

Haddaba kumuu noqon doonaa ra’iisul wasaaraha cusub ee Britain? Warbixintaan waxaa London kasoo diray wariyaha VOA-da ee Yurub, Cabdixaafid Cawil Ismaacil.